Guddoomiyaha Maxkamadda Madaniga ah ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Muxumed Taakooy ayaa sheegay in xilligaan qaar kamid ah Bulshada kunool Gobolka Hiiraan meel aan cadaalad kajirin ay cadaalad u raadinayaan.
Waxaa uu sheegay in iyada oo saldhigyada Booliska ay Shaqeeynayaan baahi kalena aysan jirin ay jiraan dad garsoor u doonta degaannada ay maamulaan Ururka Al-Shabaab, waxaana uu si cad u sheegay in arrinkaasi uu yahay mid aad u xun, isla markaana lala yaabo.
Waxaa uu sheegay in aan la aqbaleyn in, iyada oo Maxkamadaha gobolka Hiiraan ay Shaqeeynayaan in dad ay garsoor u aadan Al-Shabaab, wuxuna ku amray hay’adaha Amniga in qofkii Garsoor u aada degaannada Shabaab la xiro kadibna shariga la horgeeyo.
Warkaan digniinta ah ee kasoo yeeray Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer looga digay dadka Shacabka ah inay garsoor u doontaan Al-Shabaab, sidoo kalena dhowr qofood loo xir xiray














