Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DGKGS Mudane Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa hoggaamiyey shir Fogaan Arag ah oo aay ka soo qeybgaleen hayaddaha UNka ee ka Howlgala Deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga hadley sidii loola socon lahaa Meesha ay mareeyso iyo dardargelinta howlaha gurmadka fatahada wabiga Shabeelle uu ka saameeyay bulshada ku nool degmooyinka Afgooye, Awdhegele iyo tuulooyin hoos taga degmooyinka Walaweyn iyo Marko.
Wasaaradda Qorsheynta KGS ayaa kaalin muhiim ah ka qaadatay qabsoomidda shirkan iyadoona talooyin muhiim ah ka soo jeedisay intuu uu socday shirka.

















