Maamulka KG Oo Deeq Dawwo Gaarsiiyey Ceelberde(Sawirro)

Wasaaradda caafimaadka KGS Oo kaashaneeysaa Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Dowlada Federalka Soomaaliyaa ayaa waxaa deeq daawo iyo wax yaabaha looga hortago cudurka safmarka covid19 u direy Degmada Elbarde ee Gobolka Bakool.

diyaarada looga talagalay in magaalada baydhabo ka qaado daawada iyo qalabka kale ee looga hortagaayo covid19 ayaa waxay ka soo baxadey magaalada mogadisho ee Caasimada dalka soomaaaliya.

Xafiiska raiisul Wasaaraha jamhuuriyada soomaaliya ay hormuud ka ah Dawooyinka iyo Qalabka kale ee Caafimaad ee Lagaarsiinayo gobolada dalka maadaama sameyn ku yeeshay bulshada cudurka covid19 oo hoose u dhigey dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo dib u dhiska kaabiyaasha dhaqaaale ee dowlad goboleedyada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Koonfur Galbeed Mudane Dr Hussein Mohamed Dahir oo garoonka diyaarada ee shaati gaduud international air port ku wareeyjiyey diyaarada demada Ceelbarde ee gobolka bakool Uqaadey Daawada, agaasimaha ayaa sheegy inay wadaan dadaalo lagu xoojinaayo hormarinta caafimaadka Bulshada Koonfur Galbeed.