Ciidamada difaaca ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay inay la wareegeen talis Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab kasoo abaabuli jireen weerarada oo ku yaal Gobolka Bari.
War kasoo baxay Taliska Ciidamada PMPF ee Puntland, ayaa lagu sheegay in howlgal ay sameeyeen Ciidamada lagula wareegay Taliskii Al-shabaab ku lahayd Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.
“ Saldhig Talis ah, Saanad Hub ah, Walxaha Qarxa, Aaladaha lagu farsameeyo Qaraxyada iyo Tuutayaal ayay ciidamada Puntland ee PMPF ka qabteen Al-Shabaab, hawlgal ay ka sameeyeen buuralayda Cal-miskaad ee gobolka Bari ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidamada PMPF.
Taliska Ciidamada PMPF ma shaacin dagaal dhex-maray Ciidamada iyo Al-Shabaab, hayeeshee kaliya ay sheegeen inay saldhigaas kala wareegeenUrurka Al-Shabaab.
Howlgalkan Cidamada Difaaca Puntland ay ka sameeyeen dhlka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari ayaa kusoo aadaya xilli mararka qaar Al-Shabaab ay weeraro toos ah iyo qaraxyo ka fuliyaan meelo kamid ah Gobolkaas.














