Maamulka Puntland ayaa ka hadlay dil askari ka tirsan Ciidamada Smaliland uu magalada Boorama ugu geystay Arday kamid ahaa kuwa waxka baranayay Jaamacadda Camuud, kaas oo ka tegay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Puntland.
Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Dabaraani ayaa marka hore tacsi u diray qoyska Ardayga la dilay, isaga oo sheegay in Somaliland looga baahan yahay in Cadaalad loo helo dilka Marxuum Ibraahim Salaad Ibraahim.
“Soomaaliya meel walbo waxaa ka jira maamul wuxuu doonaba ha aaminsanaadee, koley uun waa dad Soomaaliyeed, waxaan ka rajeyn nidaamka halkaasi ka jira inuu Ibraahim Cadaalad ku helo, si loo illaaliyo badqabka dadka Nugul oo ay ardeydu ka midtahay ayuu yiri” Jaamac Dabaraani.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intasi ku daray Afhayeenkain uu la dareen yahay dhammaan ardeyda Soomaaliyeed gaar ahaan ardeyda Puntlan oo aad uga xumaaday dilka loo geystay Ibraahim Salaad Ibraahim.
Mamulka Magaalada Boorama ee Soomaliland ayaa horay u sheegay in gacanta lagu dhigay Askariga dilka u geystay Wiilka yare e Ardayga ahaa, kaas oo kamid ahaa ilaalada Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama.














