In ka badan 200 Haween ka kala yimid kaamam ku yaal magaalada baydhaba xarunta gobolka Bay Ayaa Maanta Xarunta Shirarka Ee Tanaad Baydhabo waxaa loogu Qeybiyey 200 Raadiyaal Dijital ah
Munaasabadii Qeybinta Raadiyashan Waxaa ka qeyb galey Maamulka gobolka Baay Kan Degmada Baydhabo Iyo Waziiro Ka socdey Maamulka Konfur Galbeed Soomaaliya
Iyo marti sharaf kale oo lagu casuumey Munaasabadan
Agaasimaha Radio Baydhabo C/raxmaan Jiirow Oo ugu Horeyntii Halkaasi Ka Hadley Ayaa Sheegey In qeybinta raadiyayashan ay tahay sidii haweenka ku dhaqan xerooyinka barakacayasha ay ula socdaan waxyaabaha ka socda dunida inteeda kale sida Wararka Barnaamijada iyo Farrimaha Dadweynaha
Ibraahim Loor oo ku hadlayey magaca Kaamamkii ka faa.ideystey fursadas ayaa dhankiisa tilmaamey in RADIO BAIDOA ay uga mahadcelinayan sida ay marwalba ay u dooneyso iney daboosho baaahida shacabka konfur galbed soomaaliya
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Baay C/rashiid C/Laahi Maxamed iyo Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Aadan Isack Osama ayaa dhankooda Radio Baidoa Ku Bogaadiyey Hormarada la taaban karo Oo Mudooyinkii U dambeeyey Ay Ka wadeen magaalada baydhabo xarunta gobolka Baay waxayna sidoo kale Dadkii Loo qeybiyey raadiyasha ay kula dardaarmeen ineysan dayacin oo ay kala socdan dhacdooyinka caalamka si aysan u noqon kuwo u Nugul Borobogaandada
Ma,ahan Markii Ugu Horeysey Kulamo Noocaan Ah ay Radio Baidoa ay ku qabato Magaalada Baydhabo Iyo konfur galbeed Inteeda Kale waxa ay aheyd 10 december 2015 sanadkii lasoo dhaafey markii ay qabteen kulan isdhexgal bulsho oo ay u qabteen in ka badan 100 ruux oo isugu jira rag iyo haween.
Waxayna maamulka Radio Baidoa sidoo kale ay balanqaadeen in sanadkan 2016 Dabayaaqadiisa Xarun Cidaacadeed Ay ka Furi Doonaan Caasimada Konfur Galbeed Somaliya Magaalo Xeebeedka Baraawe















