Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Warfaafinta Saleemaan Cali Koore ayaa ka hadlay dilalka soo laab laabta ee ka dhaca Magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool iyo dbibaatooyinka kale ee kajira.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxaa uu sheegay in Somaliland ay weerar ku tahay Koox argagaxiso ah oo kasoo horjeeda amniga Somaliland iyo guud ahaan degaannada Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigay.
Wasiir Kaahin ayaa waxaa uu ugu baaqay Bulshada kunool degaannada Gobolka Sool inay amnigooda ka Shaqeeyaan, isla markaana ay kasoo horjeestaan cid kasta oo lidi ku ah amniga Mavaalada laas-caanood.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Saleemaan Cali Koore ayaa dhankiisa sheegay in magaladaaas-caanood lagu dilay dad badan oo Haldoor ahaa ayna ka dambeeyaan Al-Shabaab iyo dad lamid ah.
Wasiirada Warfaafinta & Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa hadalkan ka jeediyay Munaasabad xariga looga jarayay Xarun ay Ciidamada Gurmadku ku yeelanayaan magaalada laas-caanood laascaanood ee Gobolka Sool.














