Maamulka Waqooyi Bari oo dhismahiisa la sii hormarinaaya.

Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa maanta yeeshay fadhigoodii ugu horreeyay ee kal-fadhiga 1-aad, waxaana shir-guddoomiyay Guddoomiyaha Kumeel-gaadhka ah ee Golaha, Maxamuud Salaad Warsame.

Ajendaha ugu weyn ee fadhiga maanta ayaa ahaa magacaabista guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Golaha Wakiillada. Kulanka oo ay ka soo qayb galeen 77 xildhibaan ayaa guddoomiyuhu si rasmi ah ugu magacaabay xubnaha guddiga:

  • Axmed Cabdi Cali – Guddoomiye

  • Cabdi Ismaaciil Axmed Barkuud – Guddoomiye ku-xigeen

  • Cabdikariin Cali Ismaaciil – Xoghaye

  • Siciid Dalmar Faarax – Xubin

  • Maxamed Maxamuud Cali – Xubin

  • Guuleed Maxamed Nuux – Xubin

  • Axmed Cali Xuseen – Xubin

Guddoomiyaha ayaa ku adkeeyay guddiga in ay si degdeg ah, isla markaana si hufan uga shaqeeyaan hawlaha doorashada guddoonka Golaha Wakiillada.

Intii uu socday kulanka, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa khudbad hambalyo iyo bogaadin ah u jeediyay Golaha, isaga oo kula dardaarmay inay xilka u gutaan si daacadnimo iyo mas’uuliyad leh.

Fadhiga ayaa ugu dambayn lagu soo xiray hadal kooban oo uu jeediyay Guddoomiyaha Kumeel-gaadhka ah ee Golaha Wakiillada Waqooyi Bari Soomaaliya.