Madax ka socda Puntland oo kulan la yeeshey saraakiil reer Yurub ah

Ciidanka Booliska Puntland iyo Ciidamada Badda ee Midowga Yurub (EUNAVFOR), gaar ahaan kuwa ka howlgala Hawlgalka ATLANTA, ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo diiradda lagu saaray amniga badda, kaasoo ka dhacay dusha sare ee markabka dagaalka Isbaanishka laga leeyahay ee ESPS Navarra (F85), oo ah calan-sidaha rasmiga ah ee howlgalka Atalanta. Kulankaasi ayaa lagu qabtay gudaha Gacanka Cadmeed, meel ku dhow waqooyiga dekedda muhiimka ah ee Boosaaso, isagoo ka mid ah kulammada xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga amni ee u dhexeeya Puntland iyo beesha caalamka.

Wafdiga matalayay Taliska Ciidanka Booliska Puntland waxaa hoggaaminayay Gaashaanle Dhexe Sakariya Abdiraxmaan, waxaana wehelinayay Gaashaanle Dhexe Aadan. Masuuliyiinta Puntland ayaa halkaas kula kulmay Rear Admiral Francisco Javier Vázquez Sanz oo ah taliyaha howlgalka Atalanta, iyo saraakiil kale oo sare oo ka tirsan EUNAVFOR. Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga dooday caqabadaha ka taagan amniga badda, gaar ahaan kuwa khuseeya burcad-badeednimada, tahriibka, ka ganacsiga sharci darrada ah, iyo dambiyada kale ee ka dhaca biyaha Soomaaliya.

Kulanka waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay xeelado cusub oo lagula tacaalayo dhibaatooyinka la xiriira burcad-badeedda, iyada oo la is weydaarsaday waayo-aragnimo iyo xog muhiim ah oo ku saabsan sida loo xaqiijin karo badqabka badda. Saraakiisha labada dhinac waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay fahanka wadajirka ah ee awoodaha iyo waajibaadka ciidamada badda ee ka howl gala geeska Afrika, si kor loogu qaado wax-ku-oolnimada howlgalka lagula dagaallamayo dambiyada badda ka dhaca.

Intii uu socday kulanka, Gaashaanle Dhexe Sakariya Abdiraxmaan ayaa khudbad ka jeediyay, isagoo sheegay in booqashadani ay muujinayso horumar weyn oo laga gaaray dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo amniga badda. Wuxuu xusay in iskaashiga Puntland iyo EUNAVFOR uu yahay mid guulo muhiim ah laga gaaray, isla markaana ay labada dhinacba ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka amni ee ay wadaagaan.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in fahamka iyo wadashaqeynta ciidamada badda ee bahwadaagta ah ay saldhig u tahay suurtagalnimada in si buuxda loo xaqiijiyo amniga xeebaha Soomaaliya.

Kulankan ayaa muujinaya sida ay Puntland uga go’an tahay sugidda amniga badda iyo la dagaallanka burcad-badeedda oo muddo dheer dhibaato weyn ku hayay marin biyoodka muhiimka ah ee Geeska Afrika. Waxaa la filayaa in wada shaqeynta noocan oo kale ah ay sii xoogeeyso awoodda la dagaallanka dambiilayaasha badda, isla markaana ay horseedi doonto xasillooni iyo horumar ka hirgala xeebaha Soomaaliya.