Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminayo ayaa gaaray wadanka Tanzania Magaaladdiisa Dar es Salaam oo caasimad u ah, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee wadankaasi.
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshirow ayaa inta uu ku suganyahay Dar es Salaam waxa uu ka qeyb geli doona shirweynaha 19-aad ee Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika.














