Madax Ka socotay maamulka degmada Baydhabo oo Ka qeybgalay Shir ka dhacay dalka Itoobiya.

Madax Ka socotay maamulka degmada Baydhabo oo Ka qeybgalay Shirweynaha 20aad ee hay’adda shaqada Adduunka (ILO) oo loogu qabtey Magalada Addis Ababa, ee dalka Itoobiya.
Shirkan oo diiradda lagu saarayay sida ay suurtagal u tahay in shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada iyo bulshada danyarta ah, iyadoo la adeegsanayo barnaamijyo maalgelin shaqo-abuur ah.
Mas’uuliyiinta maamulka degmada Baydhabo ayaa si gaar ah u la kulmay wakiillo ka socday hay’adaha kala duwan iyo dowladaha kale ee ka qaybgalay shirka, waxayna ka sheekeeyeen waayo-aragnimada degmada Baydhabo ee la xiriirta barnaamijyada shaqo- abuurka ku-saleysan iyo baahiyaha jira ee dhanka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka.
Ka qeybgalka Maamulka Degmada Baydhabo ee shirkan ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay horumarinta adeegyada bulsho iyo la tacaalidda shaqo la’aanta, iyadoo la rajeynayo in la helo taageero muuqata oo lagu horumarin karo mashaariicda deegaanka.