Madax ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo gobolka Bakool safar ku gaarey.

Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda KGS oo uu kamid ahaa Gudoomiyaha Gobolka Bakool, Aggaasimaha madaxtooyada iyo saraakiisha ciidamada Itoobiya ee Atmis oo maanta soo gaarey degmada Xuddur Xaruunta Gobolka Bakool.
Sidoo kale isla maanta wafdiga uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaarada amniga gudaha KGS Xasan Cabdiqaadir Maxamed ee ay qeybta ka yihiin Gudoomiyaha Gobolka Bakool Mudane Maxamed Axmed saraakiil katirsan Ee ATMIS iyo agaasimaha madaxtoyada Abdifitah mahat ayaa manta soo gaaray Magaalada Wajid.
Wafdiga wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey Maamulka Degmada Waajid Uu Hogaaminaayo Guddomiyaha Degmada Wajid Mohamed Moallim Yusuf,Sarkiisha Lamaha Amniga Oo Iskugu Jiraan Atmis,Millitary.