Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboledyada ay isla garteen kuraasta Golaha Sahacbka iyo Magaalooyinka iyo degaanada lagu soo dooran doono.
Inkastoo wali War-murtiyeed rasmi ah aysan soo saarin Madaxdu, waxaa jira ila wareedyo sheegaya in ay madaxdu isla asteeyeen qabka loo soo dooranayo kuraasta Golaha Shacab.
Hoos ka aqriso deegaan doorashada iyo tirada kuraasta sida loogu kala asteeyay:-
Puntland 39 Kursi
Garoowe 24 Kursi (Kuraasta Sool, Nugaal iyo Mudug)
Boosaaso 15 Kursi (Bari, Qardho iyo Sanaag)
Galmudug 36 Kursi.
Dhuusamareeb 24 Kursi
Gaalkacyo 12 Kursi
Jubbaland 43 Kursi
Kismaayo 27 kursi
Gedo (Garbaharey) 16 Kursi.
Hirshabelle 37 Kursi
1 Jowhar 15 Kursi
Beledweyne 22 Kursi
Koonfur Galbeed 69 Kursi
Baydhabo 44 Kursi
Baraawe 25 Kursi
Gobolka Banaadir 51 Kursi
Banaadiri 5 kursi
Xubnaha Gobolada Waqooyi (Somaliland) 46 Kursi














