Madaxda SODMA oo kulan la qaatey hay’adda Islamic Relief.

Maxamuud Macallim Cabdulle Gudoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa kula kulmay xafiiskiisa madaxa Islamic Relief Somalia mudane Aliow iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqayta labada hay’adood iyo sidii loo daadejin lahaa howlaha samafalka ee Islamic Relief.

Ugu dambayn waxaa laysla gartay in ay Islamic Relief si dhaw ula shaqayso hay’adda SoDMA, si looga jawaabo dhibaatooyinka ay is beddelka cimilladu sababeen.