Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Nin ay magaciisa ku sheegtay Cali Ibraahim oo Al-Shabaab u qaabilsanaa “Qaybta Caafimaadka ee Gobolka Galgaduud” oo isku soo dhiibatay Ciidanka Gorgor sida hadalka u dhigtay.
Warbaahinta Dowladda ayaa daabacday sawirka Ninkaan & xogtiisa, waxa ay sheegtay in uu isaga soo tagay Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud isla markaana uu iska dhiibay Deegaan hoostaga Dhuusamareeb oo ah Xarunta DG Galmudug.
Ciidamada gaarka u tababaran ee Gorgor ayaa gacanta ku haya Cali Ibraahim, mana sheegin Dowladda Federaalka in ay kusii heyneyso Gobolka Galgaduud & in ay u qaadeyso Magaalada Muqdisho.
Dowladda Federaalka ayaa dhowr jeer soo bandhigtay shaqsiyaad ay ku sheegtay in ay kasoo tageen Al-Shabaab, weli ma jiro war kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ay uga hadleyso sheegashada Dowladda.














