inaalilaahi waina ileeyhi raajicuun
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo ku hadlaya magaciisa, kan dowladda iyo Shacabka Koonfur Galbeed ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariiste Marxuum Xasan Abshir faarax oo ahaa Ra”iisal wasarihii Hore Soomaaliya ee Dowladii kumeel gaarka ahayd oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.
“Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii uu ka baxay Marxuum Xasan Abshir Faarax Ra’iisul Wasarihii hore ee Soomaaliya. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, nagana siiyo samir iyo imaan” ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen
Ra”iisal wasaarihii hore Soomaaliya Marxuum Xasan Abshir Faarax ayaa sido kale waxa uu so noqday Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Dalka iyo Dadka Soomaaliyeedna Mudo uso shaqeeyey.














