Madaxwaynaha Maamul gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye(Qoor Qoor) ayaa kulan kula qaatay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug qaar ka tirsan Dhalinyarada deegaanada Galmudug.
Madaxweynaha ayaa Dhalinyarada waxaa uu kala hadlay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarinta deegaanka iyo dib-u-dhiskiisa,waxaana kulankaan uu qeyb ka ahaa kulamadii u dambeysay ee kuu ka bilaabey Dhuusamareeb.
“Waxaan kulan la qaatay qaar ka tirsan Dhalinyarada deegaanada Galmudug waxaana kawada hadalnay si ay uga qayb qaataan hurumarka deegaanka iyo dib-u-dhiskiisa,Waxaan kula dardaarmay in ay la shaqeeyaan Maamulka si loo gaaro horumar iyo barwaaqo ayuu yiri”Madaxweynaha Galmudug.
Madaxwaynaha Maamul gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye(Qoor Qoor) ayaa kadib doorashadiisii waxaa uu kulan la qaatey Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee ka howlgalla Magaalada Dhuusamareeb.














