Madaxweynaha Galmudug oo la kulmey Golaha Wasiirada Maamulkaas

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) iyo ku Xigeenkiisa Cali Ciid ayaa shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Maamul Goboleedka Galmudug.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha ka jira Galmudug, tallaabooinka u baahan in horey loo qaado,sida Amniga iyo Adeegyada kale ee Bulshada ku nool deegaannada Galmudug ay u baahan yihiin.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Golaha Wasiirada ee uu Maanta Madaxweyne Qoor Qoor uu la kulmay ay ahaayeen kuwo aan haatan wa xil ah heyn oo uu horey uga qaadey Axmed Ducaale Geelle Xaaf,waxaana sidoo kale ka maqnaa kuwii kasoo galay dhinaca Ahlusunna waqtigii heshiiska Jabuuti.

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) ayaa shalay waxaa uu kulan la qaatey Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Galmudug,isaga oo kala hadlayay arrimo la xiriira wada Shaqeyn iyo dib u heshiisiin.