Madaxweynaha Galmudug oo la kulmey Saraakiisha Ciidanka Galmudug[SAWIRO]

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo kulan gaar ah la yeeshey hoggaanada kala duwan ee Ciidamada Amniga ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey taliyayaasha sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadkooda, Intaa kadib Madaxweynuhu wuxuu aad ugu dheeraaday muhiimadda ay leedahay kawada shaqeynta Amniga iyo sugida Ammaanka degaanada Galmudug.