Wafdi uu hoggaaminayo ku-simaha Madaxa Hay’adda Unicef ahna Madaxa Barnaamijyada, Mudane Naser Sayid, ayaa maanta soo gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Intii ay ku sugnaayeen magaalada, masuuliyiinta Unicef ayaa kormeer ku tagay Xarunta Caafimaadka ee Kulmis iyo Isbitaalka Guud ee Jowhar, halkaas oo ay ku qiimeeyeen adeegyada caafimaad ee ay bulshada u qabtaan xarumahaasi.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa ugu dambeyn xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdiga Unicef, isagoo uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee hay’addu siiso bulshada nugul iyo mashaariicda horumarinta adeegyada aasaasiga ah.
Ku-simaha Madaxa Unicef, Naser Sayid, ayaa dhankiisa ammaanay Hirshabeelle, gaar ahaan wada-shaqeynta wanaagsan ee dowladda iyo hay’adda, isagoo xusay in socdaalkooda Jowhar uu yahay mid muujinaya sida ay uga go’an tahay garab-istaagga dadka danyarta ah.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay kaalinta muhiimka ah ee Unicef ku leedahay horumarinta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada, isagoo ballan qaaday in Hirshabeelle ay sii xoojin doonto iskaashiga la leh hay’addaha caalamiga ah.














