Madaxweynaha dowlad Gobooleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Goordhow dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, kadib markii shalay safar Deg-deg ah ugu baxay Kismaayo.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Magaalada Kismaayo uga qeyb galay Aas qaran oo loo sameeyay Guddoomiyihii rugta Ganacsiga ee Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin oo shalay qarax Ismiidaamin ah lagu dilay.














