Madaweynaha koonfur galbeed cabdi casiis xassan maxamed lafatagareen ayaa kahalay dagaalka beelaha walalaalaha ah ku dhex marey degmada wala weyn ee gobolka shabeelaha hoose.
“Inaalillaahi wa inaa illaahi raajicuun, waxaan aad u cambaaraynayaa ficilada aadka uxun ee ka dhacay Wanlaweyn, waa ficillo Islaanimada iyo Soomaalinimada ka fog Allana uusan raalli ka ahayn !,, ayuu yir madaxweyne cabdi casiis
madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegey inay sharciga horkeeni doonaan c id waliba oo falkaas kulug laheyd.
Waxa uu sidookale madaxweyne laftagaeen uu sheegey in gudi uxilsaari doonaan guddi kashaqeeynayo dhacdadaan si deg deg ahna u kala dhex galo beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamayo Wanlaweyn. sidoo kale waxaa uu madaxweynaha amar buuxo faray dhamaan hayadaha amniga kusugan Degmada in ay kala dhaxgalaan beelaha dagaalka udhaxeeyo.
madaxweyne cabdi casiis ayaa rajo kamuujiyey in colaadaan lagu badalo nabad iyo wada noolaansho.














