Madaxweynaha KG Oo lagu soo dhaweyey Degmada Xuddur-SAWIRO

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa safar shaqo kuso gaaray Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Wasiiro,Xildhibaano,Maamulka Gobolka,kan Degmada Xudur iyo qeybaha kala duwan Bulshada ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Xudur ku soo dhoweyey Wafdiga uu hogaaminayey.

Ma ahan markii ugu horreysey ee uu Madaxweyne Laftagareen gaaro Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool isagoona horey uga soo dhexdhigay Mashaariicyo kala duwan.