Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kadib safar shaqo oo maalmo qaatay uu ku joogay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka iyo Dalka Walaalaha aan nahay ee Turkey.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen howlaha doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee lagu qabanayo degaannada Maamulkaas.
Laftagareen oo Maanta db ugu laabtay magalada Baydhabo ayaa sheegay inay si weyn u adkeyn doonaan amniga labada Goobood oo ay ka dhacayaan doorashooyinka labada Aqal ee Magalooyinka Baydhabo iyo Baraawe.
Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in dalka doorasho uu galo, dhankoodana ay qaban doonaan doorasho xur iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay.
Madaxweynaha ayaa Muqdisho kaga qeybgalay shirkii madasha wadatashiga qaran ee Doorashooyinka dalka taas oo heshiis lagaga gaaray hanaanka Doorashada soo socota ee dalka ka dhici doonto.
Masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo dadweyne kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Dr Shaati gaduud ee Magaalada Baydhabo.
Hadalka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan la filayo in dhawaan dalka ay ka bilaawdaan howlaha doorashooyinka, iyada oo la fulinayo heshiiskii doorashada ee lagu gaaray magaalada Muqdisho.
Soo dhaweyn kadib Mdaxweyne laftagareen ayaa ka warbixiyey Safarkiisa Shaqo ee uu ku maqnaa isla markaana uu ku soo marey ilaa iyo Dowlada aynu walaalaha nahay ee Turkiga
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA














