Madaxweynaha KG Oo Xilkaqaadis iyo Magacaabis sameeyey-Digreeto

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen ayaa Xilka ka qaaday Gudoomiyii hore ee Gobolka Baay Cali_Wardhere_Dooyow xilkaasna u magacaabay gudoomiyaha cusub oo lagu magacaabo Cumar Cali isaaq (Cumar Balash).

Gudoomiyihii Gobalka Baay Cali Wardheere Dooyow oo xil ka qaadista lagu sameeyay ayaa ka maqan Dalka
Cumar Cali isxaaq Balash ayaa loo magacaabay Gudomiyaha Gobalka Baay ka dib warqad Dikreeto ah oo ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha koonfur galbeed.

Wareegtada laguma xusin sababta keentay xilka qaadista Guddoomiyihii Gobolka Baay ee mudada xilka haayay, balse kaliya la sheegay in go’ankaas lagu gaaray markii la ogaaday bahida loo qabo isbedel dhinaca Maamulka ah.

Gudoomiyaha Cusub ee gobolka Baay ee Maanta uu Magacaabay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa horay uga mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka 9-aad ee dowladdii uu hoggaaminaayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.