Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan qado sharaf ah la qaatay ganacsatada ku dhaqan degmada Baydhabo.
Kulankan qadada ah ayaa waxaa soo Agaasimey oo u sameeyey Madaxda Ganacsatada Koonfur Galbeed Gaar ahaan kuwa Magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha waxaa ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka & Guduumiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Laftagareen ayaa Waxaa ay kawada hadleen ganacsatada sidii loo Caawin lahaa Walaalahooda ay fatahaaduhu saameeyeen iyo sidii ay u yeellan lahaayeen wadashaqeyn joogto ah.





















