Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Dhagax-dhigey Waddo Laami ah(SAWIRO)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dhagax dhigay wado laami ah oo laga dhisayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka baay

Dhagaxdhiga Madaxweyne Laftagareen waxaa ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud iyo Guryeynta Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin Soomaali Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Xassan Macalin Axmed Biikole iyo Masuuliyiin kale Oo Koonfur Galbeed ah,

Wadada Maanta la dhagaxdhigey ayaa Gaareysa 4KM waxaana ay kamid tahay Howlo billow ah oo la doonayo in dib u Dayactir lagu sameeyo waddooyinka Burbursan Ee Magaalada Baydhabo,

Ugu horreyn Waxaa goobta ka hadley Maayerka Magaalada Baydhabo Xassan Macalin Axmed Biikole waxaan uu sheegey in Mashruucan uu yahay kii ugu horeeyey ayna xigi doonaan wadooyin kale oo iyaguna Dayactir lagu sameyn doono isla markaana ka maamul ahaan ay kala shaqeyn doonaan wasaaradaha ay quseyso Howlahan,

Wasiirka wasaarada Howlaha Guud iyo guryeynta XFS oo isna goobtaas ka hadley ayaa sheegey
Ka wasaarad ahaan in ay dadaalo gelinayaan sidii Baydhabo Wadooyin Casri ah looga dhisi lahaa midana ay qeyb ka tahay Mashruuca dhismaha wadooyinka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen oo isna Goobtaasi ka hadley ayaa Sheegey midan in ay tahay wajiga koowaad ee dib udhiska Wadooyinka Magaalada Baydhabo wuxuuna injineerada Dhisaya Wadada uu kula Dardaarmey in ay dhisaan Wado Wanaagsan oo Tayo leh,

Mashruucan Waddooyinka lagu dhisayo ayaa waxaa iska kaashanaya Worldbanka UNOPS DOCOL iyo Hay,ado kale DFS IYO Maamulka Koonfur Galbeed,

Shacabka kunool Magaalada Baydhabo gaar ahaan Gaadiidleyda ayaa dhibaato weyn ku qaba Waddooyinka Burbursan Ee Magaalada Baydhabo