Madaxweynaha dowlada Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagateen) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhoweyd kasoo degay garoonka diyaaradaha caasimada Koonfur Galbeed ee Baraawe.
Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo wafdigiisa ayaa waxaa Baraawe kusoo dhoweeyay gudoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed mudane Cali Saciid Faqi, agaasimaha guud ee madaxtooyada Koonfur Galbeed mudane C/laahi Cali Watiin, maamulka degmada Baraawe, kan gobolka Shabeelada Hoose, odayaasha dhaqanka, saraakiisha ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM iyo weliba qaybaha kala duwan ee bulshada.
Imaatinka magaalada Baraawe ee madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadayo xili la filayo in dhowaan ay bilaabato doorashada xildhibaanada baarlamaanka 11aad ee jamhuiriyadda federaalka Soomaaliya.














