Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Hambalyo u direy Madaxda Cusub ee Galmudug

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Hambalyo u direy Madaxweynaha Cusub Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Madaxweyne kuxigeenka Cali Daahir Ciid iyo Dhamaan Xubnaha Cusub ee Gudoonka Barlamanka iyo Xildhibaanada Barlamanka.

Wuxuuna u rajeyey Dhamaan Xubnaha Cusub ee Galmudug oo ugu Horeeyo Madaxweynaha in Xilka Culus loo igmaday ay u gutaan si
Cadaalad ay ku dheehantahay Bulshada Galmudugna ay u horseedaan Hanaanka Dowladnimo iyo Baahinta Adeegyada Dowlada.

Sido kale Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen ayaa Bulshada Reer Galmudug ugu baaqay inay la Shaqeeyaan Madaxweynaha Cusub Si loo Hormariyo Bulshada iyo Deeganka.