Madaxweynaha dowlada Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Maxamed Xasan (Laftagareen) ayaa galabta safar shaqo ah ugu amba baxay magaalada Abuja oo ah caasimada dalka Nigeria ??.
Madaxweyne Laftagareen ayaa maalmo ku sugnaan doona dalka Nigeria ?? isaga oo lagu wado inuu la kulmo masuuliyiinta dalkaas.
Dhanka kale madaxweynaha ayaa maanta intii uusan kasoo dhoofin magaalada Baydhaba furay kalfadhigii sadexaad ee golaha wakiilada Koonfur Galbeed ayada oo ay good joog ahaayeen gudoomiyaha baarlamaanka KGS mudane Cali Saciid Faqi, kuxigeenadiisa iyo wakiilada Koonfur Galbeed.














