Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Xariga ka jaray dhismaha Cusub Xabsiga weyne ee baydhabo(SAWIRO)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Mohamed Lafta -gareen ayaa Maanta Si Rasmi ah Xariga uga jarey xabsiga wayn ee Magaalada Baydhabo.

Xarigjarka xabsiga waxaa Goob joog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Dowlada Federaalka soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka koonfur galbeed iyo Xildhibaano Ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya Maamul heer Gobolka iyo heer Degmo iyo Mas’uuliyiin kale.

Intaasi ka dib Madaxweynaha ayaa Kormeerey qeybaha ay ka koobantahay Xaruntan Cusub waxaana uu Sheegey In tani ay tahay mid muujinaysa Horumarka Hiigsiga Horumarineed ee ka ifaya Deegaanada koonfur galbeed.

Xabsigan maanta la xarig jaray waxaa juhdi badan gelyey Dowladda Soomaaliya taasi oo loogu danlahaa in wax laga bedelo Nolosha Maxaabiista ku xiranayd xabsigii hore ee baydhabo iyo kuwa lagu xeri doono intuba, maadaama si casri ah loo dhisay oo ay maxaabiista ka heli doonaan adeegyada ay u baahanyihiin.