Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, waxaana Magaaladaasi ka socota soodhweyn loo ameeynayo Madaxweynaha.
Maadxweynaha ayaa ka amba-baxaya Magaaalada Baydhabo oo xarunt ku meel gaar ah ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya, waxaana horay Magaalada Xudur u gaaray wafdi horudhac u ah socdaalka Laft-gareen.
Gobolka Bokool ayaa ah gobol ay Al-shabaab go’doomiyeen, waxaana dadka shacabka ah eek u nool ay cabasho aan kaal joogsi lahayn u direen dowladda dhexe iyo Maamulka Koonfur Golbeed, iyagoo sheegay in ay ku jiraan xaalad go’doon ah, waxaana sara-kac uu ku ymid maciishadda, iyadoo dadka danyarta ah aysan awoodin in ay iibsadaan.
Horay Xildhibaanada kasoo jeeda degaanada Gobolka Bakool ayaa Dowladda ka dalbaday in ay si deg deg ah wax ugu qabato shacabka Gobolkaasi, waxaana farriin ay u direen maamulka KGS.
Si kastaba Madaxweyne lafta-gareen ayaa maanta ku wajahan degaanada Gobolkaasi, waxaana uu maanta ka degi doonaa Xarunta Gobolkaasi ee Xudur, si wax loogu qabto dadka shacabka ah ee ku go’doonsan Gobolka Bakool.














