Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed oo maanta dhagax dhigay dhismaha Isbartiimada DR Ayuub iyo Xarag Jar Iskuulka Haano(SAWIRRO)

Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed oo maanta dhagax dhigay dhismaha Isbartiimada DR Ayuub iyo Xarag Jar Iskuulka Haano

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa Maanta dhagax dhigay Garoonka Kubada Ciyaaraha DR Ayuub Stadium Baydhabo,

Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Mudane Cabdullahi Cali Watiin oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhismaha Garoonka ay gacan weyn ka geysanayaan Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha KGS iyo Hayada SSF.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh ayaa sheegay in haddii dib u dhis lagu sameeyo Garoonka Ciyaaraha ay muhiimad u yeelan doonta shacabka reer Baydhabo,islamarkaana qeyb ka qaadaneyso kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta Xaraga kajarey Iskuulka Haano oo dhawaan lagu hergaliayay Magaalada Baydhabo si ay uga faa’ideestaan Dadka Barakacyaasha iyo dadka aboodin Iskuulada Baraafedka ah ayaa taabigalisey Wasaarada Waxbarashada Kgs.

Ugu danbeyntii,Shariif Xasan ayaa ugu baaqay Ganacsatada iyo Hay’addaha kale ee caalamiga ah iney ka qeyb qaataan sidii loo soo celin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha deegaanada Koonfur Galbeed si isku filnaasho loo gaaro.