Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo khudbaddiisa kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, dib u heshiisiinta iyo xiriirka caalamiga ah.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay guulaha muuqda ee laga gaaray sugidda amniga iyo howlgalada dib u xoreynta dalka, kuwaas oo ay horseed u ahaayeen ciidamada qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxa uu carrabka ku adkeeyay horumarka laga sameeyay kobcinta dhaqaalaha, xasilloonida siyaasadeed iyo xallinta khilaafaadka gudaha.
Mudane Xasan Sheekh ayaa si gaar ah u dul istaagay shaqada Baarlamaanka 11-aad ee dhanka sharci dejinta iyo korjoogteynta Xukuumadda, isagoo ku ammaanay geesinimada ay muujiyeen mudaneyaasha Baarlamaanka, gaar ahaan ku dhiirashada ay ku dhammaystirayaan Dastuurka KMG ah oo muddo dheer qabyo ahaa. Waxa uu xusay in tallaabadan ay taariikh weyn uga reebayso jiilalka dambe.
Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay guulaha siyaasadeed, dhaqaale, iyo horumarineed ee dowladdu ku tallaabsatay, isagoo xusay in bilaha soo socda uu qorshuhu yahay in si rasmi ah loo billaabo qodista shidaalka, lana horumariyo kaabayaal dhaqaale oo muhiim ah sida jidadka, dekadaha, garoomada diyaaradaha iyo saldhig cusub oo laga gano dayax-gacmeedyada, kaas oo noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee laga dhiso qaaradda Afrika.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu mar kale muujiyay diyaar garowga dowladdiisu u leedahay in lala fariisto dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aragti ahaan ama siyaasad ahaan ka duwan dowladda, si loo helo midnimo iyo wadajir qaran. Waxa uu xusay in wadahadal iyo dib u heshiisiin loo baahan yahay, loona baahan yahay in la dhageysto tabashada qayb kasta oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.
“Waxaan weli dadaal ugu jirnaa oo aanan ka harin walaalaha ka go’ay qaranimada inay qayb ka noqdaan geeddi-socodka xasilinta siyaasadda dalka. Waxaa naga go’an inaan raadino qof kasta oo wax tabanaya, si aan u mideyno shacabka Soomaaliyeed oo dhan,” ayuu yiri Madaxweynaha.














