Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sii wada kulamada gogosha Wadatashiga Qaran ee uu horay uga furay magaalada Muqdisho. Maanta, Madaxweynaha ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay masuuliyiin isugu jira Madaxweynayaal hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, iyo xubno kale oo miisaan culus ku leh siyaasadda dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah masiirka dalka, sida dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista dastuurka, hirgelinta nidaamka doorashooyinka tooska ah ee hufan, iyo sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee khatarta ku haya xasilloonida dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay in ay sii waddo wadatashiyada qaran, si shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiiyo mustaqbal dimuqraadi ah, nabad waarta, iyo horumar dhaba. Masuuliyiintii kulanka ka qeyb galay ayaa muujiyay taageeradooda ku aaddan geeddi-socodka nabadda iyo dowlad-dhiska, iyaga oo xusay in loo baahan yahay in si mid ah loogu midoobo danta guud ee dalka.














