Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta safar rasmi ah ugu baxay dalka Qadar, kaddib casuumaad uu ka helay dowladda dalkaas. Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee Madaxweyne Somaliland ah uu ku tago Qadar.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha iyo Madaxa Xafiiska Madaxweynaha.
Inta uu joogo magaalada Dooxa, Madaxweyne Cirro ayaa la kulmi doona madaxda sare ee dowladda Qadar. Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo ay ka mid yihiin amniga iyo xasilloonida Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo guud ahaan Geeska Afrika, iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dhinac, maalgashiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Safarkan ayaa imaanaya iyadoo Qadar ay xiriir dhow la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, mana cadda sababta safarka uu hadda kusoo beegmay, hase yeeshee waxa uu kusoo beegmay xilli Somaliland ay dadaallo cusub ugu jirto xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo raadinta aqoonsi.














