Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa amar ku bixiyay in ciidamada dhaawaca ah ee cabashada ka muujiyay daryeel la’aanta caafimaad laga soo raro magaalada Boosaaso loona raro magaalada Garoowe, si halkaas loogu xaqiijiyo daryeel caafimaad, baaritaan xaaladdooda, iyo in si buuxda loo daboolo baahiyahooda.
Amarkan ayaa ka dambeeyay markii qaar ka mid ah ciidamada ku dhaawacmay dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish ee ka socda Buuraleyda Cal Miskaad ay maanta dibadbax cabasho ah ka dhigeen magaalada Boosaaso. Ciidamadan oo isugu soo baxay wadada laamiga ah ee hor marta isbitaalka guud ee Boosaaso ayaa ku eedeeyay Guddiga Taakuleynta Ciidamada ee Puntland inay dayaceen daryeelkooda, islamarkaana ay lunsadeen dhaqaalihii shacabka Puntland ugu talagaleen taageerada ciidamada.
War rasmi ah oo lagu daabacay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Puntland uu faray Guddiga Daryeelka Ciidamada in si degdeg ah ay uga hawlgalaan daryeelka ciidamadaas geesiyaasha ah. Guddigan ayaa la sheegay in tan iyo markii la bilaabay hawlgallada ciribtirka argagixisada ay u taagnaayeen daryeelka caafimaad ee ciidamada dhaawaca ah.
Warka ayaa intaas ku daray in dhaawacyada fudud lagu dabiibayo gudaha dalka, halka kuwa u baahan daryeel dheeri ah loo diray dibadda, gaar ahaan dalalka Itoobiya iyo Hindiya, halkaas oo weli ay ku jiraan qaar ka mid ah ciidamada dhaawaca culus qaba.
Cabashada ciidamada dhaawaca ah ayaa si weyn uga dhex muuqatay shacabka reer Boosaaso oo horay u taageeray ciidamada la dagaallamaya Al-Shabaab, waxayna dhacdooyinkan kusoo beegmeen iyadoo ay jiraan cabashooyin isa soo taraya oo ku aaddan maamulka kheyraadka taakuleynta ciidamada ee ay shacabku ururiyeen.
Dowladda Goboleedka Puntland ayaan weli si toos ah uga hadlin eedeymaha musuqmaasuqa ee loo jeediyay guddiga taakuleynta, balse amar Madaxweyne ayaa hadda farta ku fiiqay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo daryeelo ciidanka dhaawaca ah, si aan loo lumin kalsoonida shacabka iyo dhiirranaanta ciidamada u halgamaya xoreynta deegaannada weli gacanta ugu jira kooxda Al-Shabaab.














