Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan goleyaasha dowladda ayaa goordhaw u ambabaxay dalka Jabuuti halkaas oo ay kaga qeyb galayaan wadahadallada DFS iyo Somaliland.
Wafdigan uu Hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa la filayaa in dalka Jabuuti ay kula kulmaan Madaxweynaha Soomaaliland iyo Wafdi la socda, si ay uga wada hadlaan arrimo ku saabsan Midnimada Soomaaliya, iyada oo Soomalailand ay aaminsan tahay inay ka go’day Somaaliya inteeda kale.
Madaxweynaha Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle ayaa shaaciyay in kulankaasi uu guddoomin doono,isla markaana ay qeyb ka noqon doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed.
War kasoo baxay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay ka go’an tahay dadaalka loogu jiro wada-hadallo wax ku ool ah oo lala galo Soomaaliland.
Madaxweyne Farmaajo waxa ka go’an dhammaan dadaallada keenaya in wadahadallo miradhal ah lala yeesho Somaliland. Tani waxay la jaanqaadaysaa hannaankiisa dib-u-heshiisiinta ku dhisan, waxayna xoojinaysaa mawqifkiisa ku aaddan si joogtaynta walaaltinimada isku haysa dadkeenna ayuu yiri” Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya.
Wararka la helayo ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan in kulanka ay kor joogto ka noqon doonaan, Wufuud ka kala socota, Mareykanka oo Madaxda Dowladda Somalia cadaadis kus aaray qabsomida kulanka, Midwoga Yurub iyo Midowga Afrika.

















