Madaxweyne Farmaajo Oo Dalacsiiyay Qaar Ka Mid Ah Ciidankii Difaacay Magaalada Balad-Xaawo

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Framaajo ayaa min hal darajo dalacsiiyay ciidamadii jilbaha u aasay duulaankii Jabhadda falaagada iyo ciidamada Kenya oo is garabsanaya ay ku soo qaadeen degmada Beladxaawo ee Gobolka Gedo.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cismaan Abokar Dubbe oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiirada Difaaca, Cadaaladda iyo Saraakiil ciidan ayaa markii ay gaareen Degmada Beladxaawo gaarsiiyay ciidamada fariintii ay u wadeen, oo ahayd in min hal darajo la dalacsiiyay.

Ujeedka socdaalka wafdigaan ay ku tageen Beledxaawo ayaa ah u kuur gelidda xaaladda dhabta ah ee ka jirta magaalada, la kulanka maamulka iyo qeybaha bulshada ku dhaqan Beladxaawo, waxaana ay kormeer ku sameen doonaan aagga hore ee ay ciidanka ku suganyihiin iyo goobta lagu hayo maxaabiistii ay ciidamada ku soo qabteen duulaankii ay soo qaaden Ciidanka Jubbaland ee uu hoggamiyo C.rashiid Janan.