Madaxweyne Farmaajo Oo la kulmay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub[SAWIRO]

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo kula yeeshay Addis Ababa Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL,

waxayna iska wareysteen horumarka ay Dowladda ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha, xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika iyo taageerada Midowga Yurub ee dowlad-dhisidda Soomaaliya,

Madaxweynaha Dowlada Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farnaajo ayaa Magaalada Adis ababa uga qeybgalay Shirka Wadamada Midowga Afrika ee Magaalada Adis ababa ee Dalaka Itoobiya waxaana uu sidoo kale kulamo halkaasi kula qaadanayaa Madaxda Dalalkaasi iyo Ururada ee Shirkaasi qeybta ka ahaa.