Madaxweyne Farmaajo oo soo gaba gabeeyay socdaalkiisa

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo soo gaba gabeeyay socdaalkii uu ku tagay Gobolada Puntland iyo Galmudug ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqidsho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaan iyo xubno kale, waxaana Madaxweynaha loo soo galbiyay Madaxtooyada Soomaaliya.

Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa degaanada Puntland iyo Galmudug wuxuu la soo kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo ka dalbanayay in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta gaaray magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, ayaa kahor inta uusan u soo duulin Muqdisho soo dhagax dhigay dhismaha Dekedda Hobyo iyo waddo laami ah oo isku xiri doonta magaalooyinka Hobyo, Cadaado iyo Caabudwaaq.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 7-dii bishan January Muqdisho uga ambabaxay safar uu ku soo maray Gobolada Puntland iyo Galmudug, safarka Madaxweynaha ayaa qaatay mudo ku siman 16 maalmood, wuxuuna booqashadiisa inta badan ku bixiyay degaanada Galmudug.