Madaxweyne Farmaajo oo xiraya shirka madaxda DF & DG

Madxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo xiraya shirka madaxda Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada dalka kaas oo maanta laga saxiixayo magaaladda Muqdisho.

Kulanka maanta oo ah soo xiritaan shirka ayaa waxaa khudbado ka jeedin doona madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, Ra’iisul wasaare Roobke, ku xigeenkiisa Mahadi Maxamed Guulleed, madaxda Dowlad-goboleedyda dalka, gudoomiyaha gobolka iyo Midowga Musharixiinta.

Sidoo kale waxaa halkaasi hadalo kooban ka jeedin doona guddoonka laba aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, wasiirka Haweenka Xukumadda Soomaaliya, Ururada bulshada Rayidka iyo wakiilka ergayga gaar ah Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan iyo wakiilka Midowga Afrika.