Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali Ciid, ayaa Xalay casho sharafeed u sameeyey Guddoonka golaha wakiilada Galmudug iyo guddi hoosaayada Barlamaanka ee dhawaan la doortay.
Ujeedada kulankaan ayaa ah isbarasho dhiirigalin iyo xoojinta wada-shaqeynta laanta fulinta iyo sharci dajinta si loogu guuleysto howlaha muhiimka ah ee horyaala laamaha kala duwan Dowlad Goboleedka GalMudug,
Golaha wakiilada ayaa hurmuud u ah hanaanka dowliga ah, iyo wada shaqeyn dhexmarta xukuumadda iyo barlamaanka taas ayaana horseedaysa horumar waara iyo xasilooni siyaasadeed.



























