Madaxweyne Lafta Gareen”Mowqifkaan hadda aan soo saarnay waxaan u arkeynay kan ugu haboon”

Madaxweynaha dowlad goboleedka konfur galbeed soomaaliya mudane cabdicasis xasan maxamed lafta gareen oo khudbad ka jeediyay gaba gabada shirka madasha wadatashiga qaran ayaa rajo Wanaagsan ka muujiyay in ay dalka ka dhacdo doorasho loo dhan yahay isla markana dhamaan dhinacyadu ay ka wada shaqeeyaan.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay in la fahmo marxaladahii kala duwanaa ee dalkeenu uu soo maray iyo halka aan maanta joogno taas oo tilmaam u ah rajada mustaqbalka dalkeena.
Madaxweyne Lafta Gareen”Mowqifkaan hadda aan soo saarnay waxaan u arkeynay kan ugu haboon”
Waxaa Madaxweynahu uu uga mahad celiyay Ra”iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah dadaalka uu ku bixiyay sidii loo dajin lahaa xaalada dalka isagoo amaanay dulqaadka iyo dal jacaylka ay muujiyeen dadka ku nool Caasimada maalmahii adkaa ee lasoo maray, waxaa uu Madaxweynahu intaas ku daray in lagu kala aragti duwanaan karo Siyaasada balse hay’adaha amaanka iyo ciidamada looga baahan yahay taxadar dheeraad ah.
Waxaa kale oo Madaxweynahu uu ugu baaqay beesha Caalamka inay gacan ka haystaan sidii wakhtiga ugu dhow loogu qaban lahaa doorashada isla markana tageeradoodu ay lagama maarmaan tahay si looga dhabeeyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee mustaqbalka taas oo go’aamo iyo wadiiqooyin loo marayo la isku raacay intii uu socday shirka madasha wadatashiga qaran.
Ugu danbayn wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay door muuqda ka qaatan howlaha socda isla markana ay ka shaqeeyaan sidii doorashadu ay ugu dhici lahayd wakhtiga ugu haboon si dalka looga saaro xaalada adag ee uu ku jiro.