Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta gareen ) ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Kulan kula Qaatay Wakiilka Qaramada Midoowey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan,
Madaxweynaha iyo Wakiilka ayaa Waxa ay Kawada Hadleen Arimaha Doorashooyinka, Xasilinta, Amaanka, Kordhinta Mashaariicda Hormarineed iyo Dagaalka ka Dhanka ah Kooxda Argigixisada Al-shabaab iyo Arimo kale
madaxweyne Laftagareen ayaa Maalintii Shaley aheyd dib ugu laabtey Caasimada Dalka ee Muqdisho isagoo Safar shaqo ugu maqnaa Todobaadkan Dalka Dibaddiisa Gaar ahaan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya halkaas oo uu kulamo kala gadisan uu kula soo qaatey Hay,adaha Deeqbixiyaasha iyo safiirada wadamada xiriirka la leh Soomaaliya iyi kuwo kale.
















