Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayey ayaa Maanta si weyn Loogu Soo Dhoweeyey Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya,
waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey Madaxweynaha iyo Wafdigiisa Masuuliyiin iyo Jaaliyadaha ka soo jeeda Deegaanada Koonfur galbeed iyo Xubno kale,
Safarkan Madaxweyne Laftagareen uu ku tagey Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya yaa Noqonaya midkii Labaad oo uu ku gaaro halkaasi,
Madaxweyne Laftagareen ayaa la filayaa in uu magaalada Nairobi kula kulmo qaar kamid ah Deeqbixiyaasha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee Jaaliyadaha ka soo jeeda deegaanadan koonfur galbeed Soomaaliya iyo masuuliyeen kale.




















