Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa ku faanay in Maamulkiisa uu noqday maamulkii ugu horreeyay ee dhaqan geliya heshiiskii 17-kii September sidoo kalena fuliya heshiiskii degaan doorashada labaad.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa shahaado sharaf mahadcelin ah guddoonsiiyey xubnaha gudiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee (SEIT)Xubno ka socdey gudiga (FEIT) gudiga xalinta khilaafaadka, saraakiisha laamaha Amniga iyo Wariyayasha doorkoodii ay kaga qeyb qaateen doorashooyinkii Golaha shacabka ee Baydhabo iyo Baraawe ka qabsoomey.m
laftagareen oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Magaalada Baydhabo ayuu sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed uu yahay midka ugu badan ee laga soo doorto Xildhibaannada ugu badan laguna doorto ilaa 77 Xildhibaan.
Xildhibaannada gaaraya 77 ee laga soo doortay degaannada Koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay inay Midnimo muujiyaan ,sidoo kalena awoodooda soo bandhigaan, isla markaana aan la kala qeybin.














