Madaxweyne Laftagareen oo Baydhaba ku qaabilay kaaliyaha xoghayaha guud ee QM(Sawiro)

Madaxweynaha dowlada Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa qasriga madaxtooyada kumeel gaarka ah ee KGS ee magaalada Baydhaba ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee taageerada howlgalada Mr. Atul Khare.

Madaxweyne Laftagareen iyo kaaliyaha xoghayaha guud ee QM ayaa ka wada hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka midyihiin mashaariicda UNka uu ka wado deegaanada Koonfur Galbeed iyo sidii dhinacyo kala duwan looga taageeri lahaa Koonfur Galbeed.

Kulanka madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Atul Khare, kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee dhanka taakuleynta howlgalada ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa wasiiro iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada KGS iyo weliba taliyaha qaybta 60aad ee CXDS jeneraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Ciirow) iyo taliska AMISOM sector 3.