Madaxweyne Laftagareen Oo Baydhabo dib ugu soo laabtey Kana Warbixiyey Safarkiisa(Sawiro)

Madaxweynaha Dowlad Gboleedka koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen oo mudo Labo Todobaad ah safar shaqo ugu maqnaa Magalaada Muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo,

Madaxweyne Laftagareen oo Safarkiisa Shaqo ka warbixiyey ayaa waxaa uu ku sheegay in ay ugu muhiimsaneyd Saddax Qodob oo kala ah arimaha Amniga Guud ahaan koonfur Galbeed, Howlgalada ka socda Gobolka Shabeelaha hoose.Xaquuq u raadinta Ciidamo katirsan koonfur Galbeed,iyo la wareegida Ciidamo Dowlad Goboleedka loo Tababaray kuwaas Oo looTababarey Gobolka Shabeelaha Hoose,

Madaxweyne Laftagareen ayaa sidoo kale sheegey in uu ka qeybgaley kulan looga hadlayey furitaanka wadada xariirisa Magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdishu oo isaga iyo madaxda qaranka ay ka wadahadleen iyo arrimo kale oo muhiiim ah,