Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta oo Isniin ah kulan gaar ah ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Amb. James Swan, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka kooban diblomaasiyiin sare oo maanta gaaray magaalada Baydhabo.
Kulankan, oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa ahaa mid si qoto dheer loogu lafa-guray arrimo muhiim u ah xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo maamulka Koonfur Galbeed. Kulankaasi ayaa qaatay saacado badan, waxaana diiradda la saaray dhowr qodob oo sal u ah iskaashiga labada dhinac.
Qodobbada ugu waaweyn ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa:
-
Xoojinta xiriirka siyaasadeed iyo midka horumarineed ee u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
-
Diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si loo dardar geliyo hanaanka doorashooyinka heer dowlad-goboleed.
-
Taageerada hay’adaha Qaramada Midoobay ee dhinacyada horumarinta, gargaarka bani’aadannimada iyo adeegyada aasaasiga ah.
-
Dadaallada nabadda iyo sugidda amniga, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab.
-
Horumarinta adeegyada bulshada iyo taageerada barnaamijyada dowlad-dhisidda si loo helo hay’ado wax ku ool ah oo u adeega bulshada.
Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa si diirran u soo dhoweeyay wafdiga Qaramada Midoobay, isagoo uga mahadceliyay kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan taageerada Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda horumarinta, gargaarka bani’aadannimada iyo xoojinta dowladnimada heer federaal iyo heer dowlad-goboleedba.
Dhinaca kale, Ambasador James Swan ayaa si gaar ah ugu bogaadiyay hoggaanka Koonfur Galbeed sida ay uga go’an tahay arrimaha nabadda, xasilloonida iyo wada shaqeynta ay la leeyihiin beesha caalamka, isagoo ballan qaaday sii wadista taageerada Qaramada Midoobay.
Wafdiga Madaxweynaha Wehliyay:
Kulanka waxaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed ku wehelinayay mas’uuliyiin sare oo katirsan golihiisa wasiirada, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
-
Wasiirka Qorsheynta
-
Wasiirka Arrimaha Gudaha
-
Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha
-
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Kulankan ayaa u muuqda mid sare u qaadaya heerka wada shaqaynta u dhexeeya Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobay, iyadoo la rajeynayo in wax ka dhabta ah laga fuliyo qodobadii laga wada hadlay.














